calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweynaha JFS oo gogol u fidiyay Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada

Madaxweynaha JFS oo gogol u fidiyay Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada
Madaxweynaha JFS oo gogol u fidiyay Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada — SONNA
Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan leh u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo hambalyada munaasabadda ciidul Fidriga. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay dhamaan Siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda loogu biiriyo la dagaalanka ka dhanka ah khawaarijta, dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah. "Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray "Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna.
La wadaag