calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Xaflad aheyd abaalmarinta Deeqda Saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho

Safiirka Wang oo xafladdaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in, Shiinuhu si adag u taageersan yahay dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya

Xaflad aheyd abaalmarinta Deeqda Saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho
Xaflad aheyd abaalmarinta Deeqda Saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho — SONNA

Xayeysiis

Xafladda oo ku saansaneyd abaalmarinta ee "Deeqda Saaxiibtinimada Shiinaha- iyo Soomaaliya" ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Mudane Osman Axmed Maow, Ku-xigeenka Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdullaahi Faarax Mire, Guddoomiyaha Guddiga Hoose ee Waxbarashada ee Baarlamaanka Federaalka, Dr. Maxamed Maxamud, Rektor-ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo ku dhawaad 200 Macallin iyo Arday oo ka tirsan SNU ayaa ka qeyb galay munaasabadaasi.

Safiirka Wang oo xafladdaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in, Shiinuhu si adag u taageersan yahay dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana diyaar u yahay inuu bixiyo taageero iyo gacan ka helid intii awoodeedu gaari karto. “Mustaqbalka Qarankuna wuxuu ku jiraa jiilka dhallinyarada ah”, ayuu yiri. Waxaan filayaa in Ardayda dhallinyarada ahi ay gaaraan Waxbarasho wanaagsan, u koraan dad karti leh oo horumariyaan saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya”, ayuu sii raaciyay Safiirka.

Sidoo kale, Safiirka Wang wuxuu tilmaamay in, Shiinaha iyo Soomaaliya ay had iyo jeer is taageeraan dadaallada midba midka kale ee ilaalinta madax-bannaanida Qaranka, midnimada iyo dhulka Qaranka. Labada dhinac waxay qoto dheereyn doonaan iskaashiga wax ku oolka ah, islamarkaana gacmaha is qabsan doonaan, si ay u horumariyaan casriyaynta.

Dhinaca Soomaalidu waxay u mahadcelisay dowladda Shiinaha taageerada qiimaha leh, oo ay ku jirto kaalmeynta Ardayda Soomaaliyeed inay dhammaystiraan Waxbarashadooda, waxayna mar kale ku celisay ballanqaadkeeda ku aaddan kor u qaadista isdhaafsiga iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo xoojiyo fahamka iyo saaxiibtinimada labada dad.

La wadaag